Waxaa maanta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dhacay dil qisaas ah, kaas oo ay fuliyeen ciidanka Ahlu sunno ee halkaas ka arimaya.
Ninka la qisaasay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad C.laahi Faarax Oo horey u Dilay Marxuum Feysal Yuusuf Goobe.
Maxkamada maamulka Ahlu sunno ayaa horey dil ugu xukuntay ninka maanta qisaasta lagu fuliyey.