Wasiirkii Warfaafinta XFS Daahir Geelle oo iscasilay

Wararka Maanta

Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa is casilay, asagoo u sababeeyay iscasilaadiisa kala aragti duwanaanshaha ra’yiga ee kala dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa ku biiraya wasiiro horey u baneeyey kuraastii ay ku fadhiyeen kadib markii ay is qabteen RW Kheyre, oo wasiirada ku cadaadiya in ay u nacamleeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si degdeg ah u magacaabay xilkii uu iska casilay Wasiirka Warfaafinta, waxaa xilkaas loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, halka Wasiirka Ganacsiga loo magacaabay Eng C/llaahi Cali Xasan.

Xukuumadda Kheyre ayaa wajaheysa culeys siyaasadeed waxaana iska casilay wasiiraddii ugu badnaa, Sidoo kale shalay ayey aheyd markii Kheyre ku amray Daahir Geelle inuu xilka ka qaado Maareeyihii Tiyaatarka Abwaan Guure.

Gilgilkan siyaasadeed ayaa yimid kadib buuq siyaasadeed oo todobaadyadan ka taagnaa gudaha Madaxtooyada, kaas oo xataa saameeyey shaqadii maamulka Gobolka Banaadir.