2 Xubin oo Alshabaab ah oo Isasoo Dhiibay

Wararka Maanta

Ciidanka maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in ay isku soo dhiibeen labo xubnood oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Nabadsuggida Qeybta Jubbaland ayaa sheegay in raggaan oo ka mid ah qeybta dagaalka qaadda iyo hubkii ay wateen hadda gacanta lagu haayo, islamarkaana Ciidanka ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ku leeyihiin NISA Jubbaland ayaa lagu qoray sidan: “Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa kooxda argagixisadda Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, waxaa lagu kala magaacaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin”.

Dhawaan ayey aheyd markiiĀ  Aadan Coonbe o ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab isku soo dhiibay ciidanka jooga gobolka Gedo. Aadan ayaa markii dambe la keenay Muqdisho.