Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in dib uu Internet-ka hawada ugu soo laabtay

Wararka Maanta

Waxaa dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo 22 cisho ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa dib ugu soo laabtay Adeega Internet-ka.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 25-kii bishii hore.

Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in Internet-kii uu dib u soo laabtay.

Markab ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xargihii Fibre Optic ee go’ay ayaa la sheegay inuu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa.

Habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo xiranayay Dekeda la sheegay inuu jaray Xargihii Fibre Optic.

Mudadii 20-ka cisho ee uu go’naa Internetka waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo uu saameyn ballaaran ku yeeshay, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada xawaaladeed ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in dib uu Internet-ka hawada ugu soo laabtay.