Ahlu Sunna oo laga sugayo ku dhawaaqidda wadahadallada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida Mustaqbal Radio ay kasoo xigatay mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna waxaa dib u bilaabanaya wadahaladii Ahlu Sunna iyo Galmudug oo burburay dabayaaqadkii bishii April ee sanadkaan.

Mas’uuliyiinta Ahlu sunna ugu qeyb galeysa wada hadalka ayaa naloo sheegay in ay diyaarsan yihiin, kaliyana  ay sugayaan in Madaxweynaha Maamulka gobolada dhexe Ahlu sunna Sheikh Max’ed Shaakir Cali Xasan uu ku dhawaaqo dib u furmashada wada hadalada.

Dhanka Galmudug waxaa dhawaan ku dhawaaqay in wada hadalka uu dib u bilaabanayo Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf, inkastoo aanan la diyaarin xubnihii wadahadalka ku matali lahaa Galmudug.

Wararka Mustaqbal Radio ay heleyso ayaa intaa sii raacinaya in aysan wada hadalka labada maamul ka qeyb gali doonin xubnihii ka qeyb galay wada hadalkii hore, oo qaarkood lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen bur-burka wada hadalkii hore sida mas’uuliyiinta labada dhinac ay sheegeen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa todobaadkii tagay sheegay in golihiisa wasiirada uu la sugayo wada hadalada Ahlu Sunna oo uu si cad u sheegay in xubno uu kasiinayo hadii ayba dhacdo in ay wada hadal ku heshiiyaan.

Dabayaaqadka todobaadkaan ilaa bilawga todobaadka dambe ayaa naloo sheegay in madaxweyne Shiikh Max’ed Shaakir laga sugayo in uu ku dhawaaqo in gogasha wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug iyo ahlu sunna in dib ay u furan tahay.

Lama shaacin halka gogosha la dhigi doono, waxayse wararku intaa kusii darayaan in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono wadahadalka, wax walibane uu kala cadaan doono kolka wada hadalka uu lagu dhawaaqo in uu dib u furmayo.

Xigasho: Radio Mustaqbal