Wasiirka cadaalada oo ugu baaqay ehelka marxuumkii xabsiga dhexe ku dhintay inay aasan maydka

Wararka Maanta

Wasiirka caddaaladda ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu baaqay ehelada iyo qoyska marxuum Xasan Kurtun oo ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar inay aasaan marxuumka ayna dowladu baaritaan ku sameyn doonaan sababta loogaga saaray isbitaalka lagu daweynayay.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in tillaabo cad ay ka qaadi doonaan taliyiihii xabsiga dhexe ee ku sameeyay marxuum Xasan Kurtum Calasoow oo xanuunsanaya uu ka soo saaray isbitaal lagu daweeynayay.

Wasiirka caddaaladda ayaa sheegay inay socoto baaritaano la xiriirta arrinta marxuum Calasoow, islamarkaana dhawaan dowladda ay qaadi doonto tilaabo arintaasi ku haboon.

Taliyihii xabsiga Dhexe ayaa laga joojiyay howlihii shaqo kadib markii la soo bandhigay muuqaal laga arkayay iyadoo isbitaal laga soo saarayo marxuumka oo xanuunsan uuna goobjoog ka yahay taliyaha xabsiga dhexe.