
Madaxtooyada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inuu xalay geeriyooday wasiirkii Arimaha Gudaha iyo amniga dalkaas Joseph Nkaissery, Wasiirka oo shalay ka qeyb galay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park, ayaa xalay ku geeriyooday Karen Hospital,kadib markii uu isku sameeyay Baaritaan guud (Check-up).
Ilo ku dhow dhow wasiirka Geeriyooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mr Nkaissery uu xalay abaaro 3pm aaday Isbitaalka Karen si uu isugu soo sameeyo baaritaan guud.
Meydka wasiirka ayaa waxaa hada la geeyay “Lee Funeral Home” halkaasoo lagu wado in lagu sameeyo baaritaano caafimaad, si loo ogaado waxa sababay Geeridiisa.
Madaxweyne Uhuro Kenyatta ayaa Nkaissery u magacaabay wasiirka amniga Kenya taariikhdu markeey ahayd 2, 2014, waxaana uu badalay Joseph Ole Lenku.