Xog: yaa Hargaysa ku Celiyay Diyaaraddii Xaaf Waday Maanta

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa maanta mar uu dib ugu laabtay Cadaado Waxuu sheegay in Diyaaradii uu lasocday oo ka soo kicitimaysay Magaalada Hargaysa ee Xarunta Soomaaliland ay Dowladda Federaalka Soomaaliya isku day inay ka hor is taagto dulimaadkeeda Cadaado Xaaf ayaa sheegay in ugu yaraan 5saac uu ku xayirnaa Garoonka Hargaysa.Mr Xaaf ayaana sheegay in isku daygaasi fashilmay sida uu yiri ayadoo la shagayo in markii danbe uu Diyaarad qaasa kasoo qaatay Hargaysa

Hadaba Ceelhuuronline ayaa Goor dhow heshay Fariin muujinaysa in Agaasime ku xigeenka Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Mohamed Moalin Hassan uu u diray Diyaarada Bush Air asagoo ku amaray inay joojiso Dulimaadkeeda oo Numberkeedu ahaa (5Y-GIG) oo ay ku tagi lahayd Cadaado ama Gaalkacyo

Agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyasdaha ayaa howlwadeenada Diyaarada Bush Air oo siday Madaxwayne Xaaf u sheegay inay u hakiyaan Dulimaadooda Cadaado ama Gaalkacyo Arimo farsamo aawadood maanta.

Ugu danbayntii arintaan ayaa imaanaysa ayadoo uu jiro Khilaaf soo kala dhex galay Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka kadib markii uu Xaaf ka hor yimid go’aankii dhex dhexaadnimo ee Dowladda  Farmaajo ka qaadatay Khilaafka Wadamada Khaliijka islamarkaama uu ku taageeray Sacuudig iyo Xulufadiisa.

Hoos ka Akhri fariinta oo Email ah

 

Ceelhuuronline