Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka oo soo gaaray Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cadaado-1111-1

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa goordhow soo gaaray magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug, wasiirka ayaa waxaa socdaalkii ku wehliya Wasiiru dowlaha Howlaha Guul Axmed Cabdi Kaariye, iyo Xubno labada Aqal barlamaanka Federaalka.

Madaxda Galmudug ayaa wafdigan ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cadaado, waxaana loo galbiyey Xarunta Madaxtooyada Galmudug, Wafdigan ayaa u yimid sidii ay Barlamaanka Galmudug uga dhaadhicin lahaayeen in dib loo dhigo doorashada 10ka bishan lagu madlan yahay.

Dowladda Federaalka ah ayaa wadda qorshe ay dib ugu dhigeyso doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo sheegtay in ay wada hadal lala furayso Maamulka Ahlu sunno ee ka arimaha Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdigan ayaa caawa ku hoyana Cadaado, waxaana la filayaa in ay wada hadal qoto dheer la galaan masuuliyiinta maamulka Galmudug.

wixii ku soo kordha kala soco www.ceelhuur.com