Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta gaaray wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Wasiirka oo Mudooyinkan safar dibadda ah dalka uga maqnaan ayaa dhawaan ku soo laabtay Muqdisho, halkaas oo uu saaka kasoo kicitimay, waxaan Sabriye hormuud ka yahay qorshaha Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Galmudug Madaamada Xaaf ku wareejiyey howshaas.
Dhanka Kale waxaa wali Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isagoo muddo ka badan 20 maalmood ku sugan deegaanada Galmudug, Kheyre ay isku dayaya inuu xaqiijiyo in Amniga Dhuusamareeb kala wareego Ahlu Sunna, inkastoo Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud howshaas ku xiray in la saxiixo heshiis cadeynaya Awood qeybsiga Ahlu sunna ku yeelanayso Maamulka cusub, iyo in ay Ammaanka Dhuusamareeb gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu Sunna.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Wasaaradda Arimaha Guduhu dhawaan magacowdo Guddiga Farsamada ee shirka Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo Kheyre ku dhawaaqay in lagu qabanayo Dhuusamareeb.