R/wasaaraha Somaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay shirweynaha caalamiga ah ee madasha Doxa ee maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Hoteelka Sheeratoon ee magaalada Doxa.
Amiir ka dalka Qadar Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa furay Shirka iyadoo khudbado ay ka jeediyeen R/wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Sudan cumar xasan Albashir,Madaxweynaha Mali, ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, R/Wasaaraha Lebnaan iyo Marit sharaf kale oo lagu casuumaadda shirkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey madasha Doxa ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dowladdu damacsantahay inay gaarsiiso wadankaiyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.
Ra’iisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.