Wasiir Maareeye oo xilalkii ka qaaday Agaasimayayaal

Wararka Maanta

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali C/qaadir (Cali Maykal).