Ciidamada Dowladda oo la wareegay Guriceel

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay gudaha magaalada isaga baxeen ciidankii Ahlu Sunna, waxaa saaka saldhiga magaalada iyo goobaha muhiimka ah lagu arkayey ciidamada Dowladda. Dad weyne farabadan ayaana isugu soo baxay bartamaha magaalada.

Ciidankii Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa inuusan ka fogeyn magaalada, lamana oga ujeedada bixitaankooda. Sidan oo kale shalay ayaa ciidanka Dowladdu la wareegeen degmada Matabaan gobolka Hiiraan, kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Sidoo kale Ciidanka Dowladda ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta xarunta degmada Dhuusamareeb, kadib markii ay ka baxeen Ciidankii Ahlu Sunna oo muddooyinka ku sugnaa, waxayna ciidanka Ahlu Sunna isku aruursadeen xarunta Inji oo ay dagan yihiin Hoggaanka Ahlu Sunna.

Dhanka kale Taliyihii hogaaminayey ciidankii Ahlu Sunna ee shalay degmada Matabaan kula dagaalamay ciidanka Dowladda oo lagu magacaabo Cagalaab ayaa xalay isku dhiibay Dowladda.

Bulshada Guriceel ayaa si taxadar ku jiro usoo dhaweeyey ciidanka Dowladda ee halkaas la wareegay, iyagoo ka cabsi qabo in ciidanka Ahlu Sunna soo rogaal celiyaan.

Wixii kusoo kordha kala soco boggeen Facebook.com/ceelhuurnews

ama www.ceelhuur.com