Wasiir lagu dilay caasimada dalka Burundi

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wasiirka deegaanka ee dalka Burundi, Emmanuel Niyonkuru, ayaa lagu dilay magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, xilli uu u socday gurigiisa.

Booliska ayaa sheegay in wasiirka la toogtay ka hor kowdii saq dhexe ee xalay, mar uu u socday gurigiisa oo ku yaal xaafadda Rohero ee magaalada.

Afhayeen ayaa sheegay in kaddib dilka la soo xiray haweeney.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in la ciqaabi doono ciddii ka dambeysay falkaasi dambiga ah.

Mr Niyonkuru ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay oo isagoo xil haya la dilay tan iyo markii uu Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay inuu xilka dalkaas u tartamaayo mar saddexaad, taasi oo dalka galisay qalalaase socday muddo bilooyin ah.

Ugu yaraan 500 oo qof oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo milateriga ka tirsan ayaa la dilay halka 300 oo kun oo qof ay isaga qaxeen dalka tan iyo markii uu dalkaasi galay deganaanshiyo la’aanta bishii Abriil ee 2015.

Hasayeeshee dalka Burundi ayaa haatan deggan muddo bilooyin ah.

Xigasho: BBC