Wasiir Ka tirsan Xukuumadda oo Xilka laga qaaday

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr. Iimaan C/llaahi Cali.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka looga qaaday wasiirkan, iyadoo aan la sheegin sababaha xilka looga qaaday.

Tani ayaa muuqata tallaabadii u horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu qaado, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyo wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa, kaddib markii ay Labo Wasiir is casileen bil gudahood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta ay la xiriirto arrimo ku saleysan awood qeybsiga beelaha.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xilalka dowladda u hela qaab awood qeybsi, waxaana dad badan sheegayaan in xil ka qaadista Wasiirkan iyo magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga uu ka muuqdo isu dheelitir qaabka awood qeybsiga.

Ceelhuur.com