Khayre oo Magacaabay Wasiir Gaashaandhig

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goor dhow u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dowladdii hore Wasiir ka soo noqday.

Digreeto ka soo baxday ayaa lagu magacaabay Mr Maxamed Mursal inuu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo buuxin doona xilkii uu iska casilay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo is casilay 12-kii bishii October.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii la soo dhaafay wadatashi la lahaa Madaxweynaha Farmaajo, si uu u soo magacaabo xilka Wasiirka Gaashaandhigga oo muddo bil ahaa mid banaan.

Sidoo kale safarkii Ra’iisul Wasaaraha ku tagay baydhabo ayaa isna qeyb ka ahaa magacaabista xilka Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo wadatashi la yeeshay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan.

Maxamed Mursal ayaa horay u soo noqday Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumaddii hore, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka u horeeyay ee Soomaaliya u magacawday dalka Turkiga, kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

Ceelhuur.com