Wasiir Cawad oo su’aal laga weydiiyay eedeyntii Argagixiso ee loo jeediyey Qatar

Wararka Maanta

Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa su’aal ka weydiiyay eedeyntii dhawaan loo jeediyay dowladda Qatar.

Kulanka guddiga iyo Wasiirka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayuu guddigu weydiiyay Wasiirka Su’aalo dhowr oo la xiriira howlaha Wasaarradda sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga Cabduqaadir Cosoble Cali .

Guddoomiyaha ayaa sheegaya in Wasiir Cawad uu uga jawaabay su’aasha la weydiiyay in dowladda Qatar iska fogeysay eedeynta loo jeediyay ee ah in ay ku lug lahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Qatar qaraxyo  iyo weerarro ka dhacay magaalada Boosaaso.

”Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Qatar inkirtay eedeynta lagu dabacay Wargeyska New York Times, laakiin guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabku wuxuu u arkaan arintan eedeyn culus oo xukuumadda looga dhiyo in ay u sameyso baaritaan qoto dheer” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Dowladda Qatar ayaa horay ugu tilmaamtay eedeynta loo jeediyay mid aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana Qatar marnaba khatar ku aheyn Amniga gudaha dalka Soomaaiya, taa badalkeedana ka shaqeynayaa sidii gacan hormarineed loo siin lahaa dowladda Soomaaliya.