Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howl-gelinaysa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed

Wararka Maanta

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe dib loogu howl-gelinayo xaruntii Golaha Murtida iyo madaddaalada ee National Teatre-ka.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/raxmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, C/raxmaan Sh, Yuusuf  (Al-caddaala) Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka Cusmaan C/laahi Guure iyo masuuliyiin kale oo Shalay kormeeray xarunta Golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka ayaa waxay ballan qaadeen inay soo celin doonaan howlihii uu Tiyaatarka u hayay Bulshada iyo doorkii ay ka qaadan jireen Hoballada Waaberi.

Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka Cusmaan C/laahi Guure ayaa ku simaha Wasiirka iyo Agaasimahad Guud ee Warfaafinta kaga mahad celiyay kormeerka ay ugu tageen, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan xaruntooda.

“Waa ku faraxsannahay Maanta madaxda inay noo yimaaddeen , anagoo ku shaqaynayna xarunteennii, kuna sii shaqyn doonno, diyaarna u ah oo nalugu dul dhiso annagoo ku shaqaynayno, oo siduu u qurxanaan jiray asagoo u qurxan ay Ummadda Soomaaliyeed usoo daawasho tagto” ayuu yiri Agaasime Guure.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-caddaala, ayaa sheegay inay Bulshada Soomaaliyeed muhiimad weyn u leedahay dib u howl-gelinta Tiyaatarka Qaranka, taasoo ay soo amreen madaxda Qaranka Soomaaliyeed, ka Wasaarad ahaanna ay sii xoojinayaan.

“Insha Allaah waxaan rajaynayaa inay Ummadda Soomaaliyeed arki doonaan xaruntii ay Jeclaayeen oo Cilmiga ay ka heli jireen, oo ay Taariikhda ka heli jireen, oo Suugaantoodu ku suntanayd oo mar kale shaqaynaysa, dedaalkaasoo uu wasiirku nagu hoggaaminayo, Madaxda sare ee Qarankuna ay nasoo amreen inay halkaan lagu shaqeeyo, Fannaaniinta Qarankana ay ku howl-galaan” ayuu yiri Agaasime Al-Caddaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta ahna ku simaha wasiirka, C/raxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Golaha Murtida iyo madaddaalada iyo wacyi gelinta ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Iidaan ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay inay Tiyaatarku kusoo celiyaan sidii uu ahaan jiray, taasoo ay kaalintooda kaga aaddan ka qaadan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, inta ka horreysana la doonayo inay Fannaaniintu halkan kusii shaqeeyaan, kuna gutaan howl-Maalmeedkooda shaqo.

Madaxdii gormeerka ku tagtay Golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka ee National Teatre-ka iyo fannaaniintii halkaasi ku sugnayd ayaa isla qaatay in la fuliyo ammarka madaxda sare ee Dalka ee ah in lagu shaqeeya xarunta, iyadoo sida dhaqsiyaha badanna loo dayac tiri doono Tiyaatarka Qaranka.

Isha : Sonna