Wariye Hoygiisa lagala baxay gobolka Sh/Hoose

Wararka Maanta

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Suxufi lagu magacaabo Ismaaciil Yuusuf Abuukar oo ka hawlgala Idaacad Maxali ah oo ku taalo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha hoose oo la sheegay in xalay saqdii dhexe ay halkaasi kala baxeen Ciidamo.

Ciidamada Wariyaha la baxay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen Bali doogle, waxaana ay ahaayeen Ciidamada sidda gaarka ah u tababaran.

Sidda ay xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Wanlaweyn Ciidamada Faahfaahin kama bixin sababta ay wariyaha u xireen.

Agaasimaha Idaacada Wanlaweyn Ismaaciil Mire, ayaa sheegay illaa hadda inaysan garan karin, sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamada Danab ay afduubtaan Wariyahan.

Ilaa iyo hadda lama Ogga Meesha uu ku sugan yahay Wariyaha, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala aaday dhanka Saldhigga Bali doogle.

Wariyaha ay la baxeen Ciidamada ayaa la sheegay inuu Idaacada Wanlaweyn ka ahaa Madaxa Shaqada & Shaqaalaha, sidoo kalena uu ahaa soo saare Barnaamij Ciyaareed, wuxuuna Khamiista iyo Jimcaha Jaamacad ka dhiganaayay Magaalada Muqdisho.