Madaxwayne Ku xigeenka Galmudug oo ka hadlay Shir Maanta u furmaya Ayaga iyo Puntland

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka ka furmeya shir u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug oo looga hadli doono xal u helidda arinta muragsan ee magaaladaas oo maleeshiyaad labada dhinac taabacsan dhowr jeer isku dagaaleen.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo BBC la hadlay ayaa sheegay in shirkan uu sadex maalin halkaas ka socon doono isla markaana looga wada hadli doono dhameystirka heshiiskii horey labada maamul u wada gaareen.

Maxamed Xaashi, ayaa sidoo kale sheegay in arimaha kale ee laga wada hadli doono ay kamid tahay sidii la isugu furi lahaa magaalada oo labo dhinac u qeybsan iyo sidii dadka labada maamul ka soo jeeda ee dega dhulka miyig ah ay si nabad ah ugu wada noolaan lahaayeen.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu xusay in si heshiisyada loo adkeeyo ay isku dayi doonaan in ay madaxda labada dhinac ay booqasho ku tagaan deegaanada rabshadaha ka dhaceen si loo tuso dadka shacabka ah ka go’aanta mas’uuliyiinta.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweyne ku xigeenada labada maamul Puntland iyo Galmudug iyo wx garadka labada dhinac.