Akhriso:Golaha Wasiirada XFS oo lagu amray in aysan Isticmaali karin Warbaahinta

Wararka Maanta

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ray iisul wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhamaan Golaha Wasiirada looga Mamnuucay isticmaalka Warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Amarkaan oo ay og yihiin Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ray iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somalia loogu sheegay inaysan isticmaali baraha Bulshada Idaacadaha iyo TV yada ayagoo an an ogalaasho ka haysan Xafiiska Ray iisul wasaaraha.

Sidoo kale Wasiirada aya lagu yiri waa in laysla gartaa Mowduuca loo adeegsanayo Warbaahinta waxa looga hadlayo Mar haduu ku saabsan yahay arimo siyaasadeed oo Xasaasi ah ka hor inta aan loo isticmaalin qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Amarkaan ayaa ku soo aadaya xili dhacdadii Bariire ee 25 bishaan ay hadalo is burinaya baraha Bulshada u istimaaleen qaar kamid ah Golaha Wasiirada taas oo dadka qaar ku macneeyeen is ka warqab la’aanta Xukuumadda Khayre.

Hoos ka Akhriso Wareegtada

FB_IMG_1503803377438