Wararkii ugu dambeyey Howlgalka Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Waa Qararow ee degmada Hobyo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka iyo kuwa Galmudug ay ku raad joogaan koox burcad ah oo haysata 9 Hindiyaan ah oo ay kala soo dageen doon ganacsi oo ay afduubteen.

Ciidamada iyo burcadda ayaa isku habeensaday, waxaana dhulka howlgalku ka socdo yahay dhul boholo ah, kooxda burcadda ayaa isku dayeysa inay la baxsadaan la heystayasha.

Sidoo kale howlgalka ayaa la filayaa in ay dhawaan ku biiraan ciidanka Nabad sugidda NISA Qeybta Galmudug, ciidankaas oo galabta ka baxay magaalada Cadaado.

Howlgalkan lagula dagaalamayo kooxdan burcadda ah waxaa iska kaashanay odayaasha deegaanka, maamulka degmada Hobyo, ciidamada deegaanka iyo kuwa Galmudug.

Kooxo kale oo burcad ah ayaa deegaano halkaas u dhow ku haysta ajaanib u dhalatay dalka iiraan, kuwaas oo tiradoodu gaarayso 11 nin, waxaana la haystaa muddo saddex sano ka badan.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com