ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka qeybta Galmudug ayaa goordhow ku guuleystay in ay dagaal ku soo furtaan badmaaxyo u dhashay dalka Hindiya oo ay heysteen burcad badeed Soomaali ah.
Ciidanka NISA oo shalay ka baxay Cadaado ayaa xalay gaaray deegaanka ay burcaddu ku haysteen ajaanibta, waxaana dagaal kooban oo saaka dhacay kadib ay ciidamadu gacanta ku dhigeen 4 nin oo burcad ah iyo 8 baxmaax oo Hindiya u dhashay oo halkaas lagu haystay.
Howlgalka oo goordhow soo gabangoobay ayaa waxaa gacan weyn ka geystay maamulka degmada Hobyo, ciidamada booliska Galmudug iyo ciimado deegaanka oo iskood isku abaabulay, ajaanibtaan ayaa burcadu kala soo dageen doon ganacsi oo ay ku hayeen xeebta deegaanka Murgane ee u dhow degmada Hobyo.
Saraakiisha howlgalka hogaaminayey ayaa inoo xaqiijiyey in ay soo afjareen afduubkii loo heystay 8 badmaax, waxaana la filayaa in la keeno magaalada Cadaado.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com