Maamulka Ahlu sunno gobolada dhexe ayaa xabsiga ka sii daayey wariye Cabdullaahi Warsame Rooble oo muddo 12 maalmood ah xabsiga ay ku hayeen.
Wariye Rooble ayaa u shaqeynayey idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxaana soo daynta wariyahaan gacan ka geystay gudoomiye ku xigeenka NUSOJ C/fitaax Xasan Faarax iyo waxgaradka deegaanka.
Wariyaha ayaa intii uu xirnaa xabsiga ku xanuunsaday, waxaana Maamulka Ahlu sunno ay caburiyaan warbaahinta iyo wariyayaasha deegaanada ay maamulaan ka howl gala.