NISA oo sheegtay in ay Muqdisho ku qabteen Rag Alshabaab ah

Wararka Maanta

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan markii ay heleen xog ku aaddan xubnahan la qabtay.

Howlgalka lagu soo qabanayay Labadan xubnood ee ka tirsan kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ayaa ahaa mid qorsheysan, kaas oo aysan cidina wax ku noqon, waxanay hay’addu fartay Bulsho weynta Soomaaliyeed inay ku Garab istaagaan difaaca Shacabka.

“ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.