Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa war ka soo saartay safarka berri ee Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ku tagi doonaan magaalada New York ee dalka Mareykanka, si ay uga qayb galaan Shir sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona Shirkan, muddo labo sano ah kaddib markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 8 February 2017, waxaana labadii sano ee uu xafiiska joogay ka heystay caqabo ka heystay tagidiisa dalka Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Shirkan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii bishii Agosto ka tanaasulay Baasaboorka Mareykanka ee uu heystay, waxaana dad badan ku tilmaameen tallaabadaas mid uu ku doonayay inuu ku tago dalka Mareykanka, maadaama isagoo heysta dhalashada Mareykanka haddii uu tagi lahaa uu la mid noqon lahaa sida muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale, isla markaana aanu heli laheyn wax xasaanad, waana sababta uu labada jeer uga baaqday Shirka Qaramada Midoobey sanadihii 2017 iyo 2018.