Sawirro: Taliyaha cusub ee ilaalada Madaxtooyada oo xilka la wareegay

Wararka Maanta

Taliyaha cusub ee ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada Laba xidigle Dayax Abdi cabdulle ayaa Maanta la wareegay Xilka ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Afcaddeeye.

Hoggaanka cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda ayaa ah dhalinyaro , waxaana uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in dhalinyaro loo dhiibo Hoggaanka ciidamada xoogga.

Taliyeyaasha cusub ee dhalinyaradda ah ayaa dad badan waxa ay Aaminsan yihiin ay waxbadan kusoo kordhin doonaan Shaqadda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. inkastoo Warar kale sheegayaan in Taliyihii hore xilka looga qaaday sababo la xariira khilaafka Madaxda Sare Dowladda.