Wareegto maanta 8 August kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa madaxweynuhu kaga laabtay magacaabistii Axmed Yuusuf Cabdulle uu u magacaabay Gudoomiyaha kumeelgaarka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug.
Madaxweynaha ayaa warqadan ku cadeeyey in Mudane Maxamed Cabdullaahi Cabdi (Martello) uu sii heynayo xilkaan inta mudada xil hayntiisu dhamaaneyso.
Sida ka muuqata warqadan dambe Madaxweynaha ayaa la tashi badan kadib garowsaday in Mr. Martello ay doorteen ganacsatada Galmudug, wareegtana aan xilka looga qaadi karin.