Agaasime ka tirsanaa Villa Somalia oo Xabsiga loo taxaabay!!

Wararka Maanta

C/raxiin Ibraahim Muudeey oo ahaa Agaasimihii Waaxda Howlaha Guud ee Madaxtooyada ayaa xabsiga loo taxaabay, kaddib markii uu maanta ka istaagay Masaajidka Madaxtooyada, isagoo Madaxda hortooda ka sheegay cabasho la xiriirta cadaalad dari ka jirta Madaxtooyada.

C/raxiin Muudeey oo xilka laga qaaday todobaadkan ayaa hadal ka jeediyay Masaajidka, xilli ay ku sugnaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka,  Ra’iisul Wasaraaha, Wasiir iyo Xildhibaano, isagoo halkaas ka sheegay in dulmi iyo cadaalad darro ay ka dhex jirto Madaxtooyada.

Taliyaha Nabadsugida Maxamed Cabdullahi Sanbalooshe oo masaajidka ku sugnaa ayaa ku amray C/raxiin in uu hadalka joojiyo, cabashada uu qabada la aado xafiisyada, hase ahaatee Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo masaajidka ku sugnaa ayaa meesha ka sheegay in wax loo baahan yahay ay yahay in masaajidada laga sheego cadaalad darida iyo dulmiga, iyadoo uu sii watay C/raxiin khudbadiisa.

Mr C/raxiin ayaa soo qaatay aayado qur’aan iyo xadiisyo ka hadlayay Cadaalad darada iyo dulmiga, isagoo ku dhiiraday inuu si toos uga hadlo xadgudubyo dhowaan lagu sameeyay, kaddib markii si aan sharci aheyn xilka looga qaaday, si qasabna xafiiskiisa looga saaray, iyadoo warqad lagu amrayo in aanu soo geli karin laga dhigay albaabka Madaxtooyada.

Intaas kaddib ayaa C/raxiin markii salaadii jimcaha laga soo baxay ay xabsiga u taxaabeen Ilaalada Madaxtooyada, iyadoo xariga amarkaas uu lahaa Taliyaha NISA, balse saacado kaddib ayaa xabsiga laga sii daayay.

Arrintan ayaa aheyd mid ka mid ah hadal heyntii ugu weyneyd ee ka jirtay ee maanta oo hareysay Madaxtooyada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay aad uga caroodeen dulmiga uu ka cabanayay Mr C/raxiim.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo xilka Agaasimaha Guud u magacaabay Fahad Yaasiin oo la aaminsan yahay inuu yahay qof ugu awooda badan dowladda Farmaajo ayaa shaqada madaxtooyada ka eryey tiradii ugu badneyd ee shaqaalaha Madaxtooyada, gaar ahaan agaasimeyaal ka soo shaqeynayey Madaxtooyada xilligii Madaxweyne Shariif illaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Fahad yaasiin ayaa todobaadkan kaliya xilka ka qaaday illaa shan agaasime waaxeedyo, iyadoo magacaabay agaasimayaal cusub oo qurbo joog ahaa, balse lama oga ujeedada rasmiga ah ee uu is bedelkiisa u gaarsiiyay illaa shaqaalaha rayidka dowladda.

Waa markii u horeysay ee Mas’uul ka cabanaya cadaalad darro uu Madaxda hortooda ka sheego dhibaatada ka jirta Madaxtooyada, oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka jirtay is xulufeysi koox iyo kala riixasho xilal hoose, iyadoo mas’uuliyiin dhowr ahna albaabka Madaxtooyada laga dhigay waraaqado ah in aysan soo geli karin.

 

Xigasho:Jowhar.com