WAR MURTIYEED
BEESHA SACAD
21/09/2019
Fadhi ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta waxgaradaka, iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada Beesha Sacad maantay oo ay taariikhdu tahay 21/09/19, waxay si qoto dheer u lafa-gureen xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka iyo tan gaar ahaaneed ee Gal-mudug.
Markay beeshu aragtay:
Sida faham darrada ah ee loo maareeyey shirkii dabu heshiisiinta ee ka dhacay magaala madaxda D-G-G ee Dhuusa-marreeb, kaas oo ay noo soo baxday in la baal maray dariiqii saxda ahaa ee lagu yaqaannay dib u heshiisiin, maadaama aan hoos loogu daadegin waxyaalihii dhabta ahaa ee ay dadku isku hayeen.
Markay beeshu xaqiiqsatay:
In sida haddaba dhacday la baal mari doono qaabka awood qaybsiga labadii gobol ee Mudug iyo Gal-gaduud ee ku midoobay dhismiha Gal-mudug, sidoo kalana aan la tix gelin doonin baaqii horay Gaalkacyo 14/07/19 ay beeshu uga soo saartay, ee ahayd in la dhawro awood-qaybsi ku salaysan labada gobol ee Mudug Iyo Gal-guduud.
Markay beeshu u caddaatay:
In Wasaaradda Arrimaha Guduha ee DFS aysan tix gelin siineynin rabitaanka beelahaee ku aaddan in loo madax banneeyo magacaabista guddiyada maamul u samaynta Gal-mudug iyo xulashada matalaaddoodaba.
Beeshu waxay soo saartay qodobadan soo socda:
1. Waxay gar waaqsatay soona dhaweyneysaa is casilaaddii wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xil. C/kariim Khaliif Cabdi Dhalac, taas oo ahayd mid timid waqti munaasab ku ah.
- Waxay u caddaynaysaa cid kasta oo loo magacaabo xilkaas uu banneeyay wasiirku aanay ku matali doonin, lagulana shaqayn doonin masuuliyadaas, inta laga xallinayo tabashadii ay ku timid is casilaaddiisu.
-
Waxay uga digeysaa DF inay sidii horey u dhacday ay soo magacawdo Guddiga maamul u samaynta Gal-mudug, kuna baaqaysaa in loo daayo xulashadooda beelaha ay matali doonaan.
-
Waxay uga digeysaa DF inay ku xad gudubto awood qaybsiga Beelaha Gal-mudug, uguna baaqaysaa inay u deyso sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen, ayagoo u maraya wada hadal iyo wax isku quur.
-
Waxay beeshu ugu yeeraysaa dhammaan Bulshada reer Gal-mudug inay midoobaan, nabaddooda iyo horumarkoodana si wadajir iyo is oggol ah uga shaqeeyaan.
-
Waxay ugu yeeraysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Beesha sacad ee ku kala sugan Muqdisho, Dhuusa-marreeb, Gaalkacyo iyo dalka dibaddiisaba inay isugu yimaadaan shir deg-deg ah oo ay beeshu ku yeelanayso magaalada Gaalkacyo maalmaha foodda nagu soo haya, si ay uga tashadaan aayahooda.
Ugu dambayntii waxay beeshu baaq nabadeed u diraysaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gal-mudug, ayadoo si gaar ah u xusaysa shaqaaqooyinka ka dhacay maalmihii la soo dhaafay beelaha walaalaha ah ee wada dega Mudug Iyo Gal-guduud, intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii dhaawacaana Allaha u booga dhayo, inta noolna quluubtooda Allaha isku dumo.
WA BIILLAAHI TAWFIIQ