Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-shabeelle Oo Xilkii Ka Qaaday Duqa Balad-weyn (Akhriso)

Wararka Maanta

Wareegto Kasoo Baxday Xaafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-shabeelle Max’ed Cali Caadle Ayaa Waxa Uu Xilkii Kaga Qaaday Duqii Magaalada Balad-weyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Mudane Cali Cabdulqaadir Faarax.

Wareegtada Ayaa Sidoo Kale Waxaa Lagu Magacaabay Duq Cusub Oo Ay Yeelaneyso Balad-weyn Waxaana Duqa Cusub Loo Magacaabay Mudane Khadar Xasan Afrax.

Xil Ka Qaadista Duqii Hore Ee Balad-weyn Ayuu Wasiirku U Cuskaday Xil Gudasha La’aan Sida Ku Xusan Wareegtada Kasoo Ka baxday Xaafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-shabeelle Kuna Taariikheysan 01-11-2018.

Labo Maalin Ka Hor Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Ayaa Shaqo Joojin Ku sameeyey Duqa Balad-weyn Ee Hadda Xilka Laga Qaaday Inkastoo Uu Qaadacay Shaqo Joojintaasi.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Xilka Looga Qaaday Duqii Magaalada Balad-weyn:-