Madaxwayne Waare: Ka Der oo Dibi Dhel!!!

Uncategorized Wararka Maanta

.Iyada oo  Beelaha ku dhaqan deegaanada Hirshabeele ay, rajo weyn ka qabeen,Doorashadii Maxamed Cabdi Waare, in ay noqon doonto mid deegaanadooda u horseedi doonta, barwaaqo iyo nolol horumar leh, islamarkaana ay la tartami doonaan maamul gobaleedyadii ka horeeyey.Ayey rajadaasi meesha ka baxday markii Waare la yimid waxaan loo fadhinin.

Madaxweyne Waare oo markii hore sheegay in Golahiisa wasiirada ay noqonayaan kuwo yar oo Tayo leh, ayaa soo Magacaabay kuwo ka tiro badan kuwii Hore ee Cosoble islamarkaana ka tayo xun Sadex kamid ah Wasiiradda Cusub ayaana Iscasilay.

Maxamed Cabdi Waare ayaa wakhtigan wajahaya Cadaadis kaga imaanaya Xildhibaanada Baarlamanka ee Hirshabeele, kadib markii uu garab marey balantii u dhaxaysay ee ahayd  inuu soo magacaabo Wasiiro kooban oo tayo leh.

Maalintii shalay ahayd waxaa Maagalada Muqdisho kulan ku yeeshay ku dhawaad 70 xildhibaan oo sheegay in ayna Aqbalaynin Golaha wasiiraddan tirada badan.

Xildhibaanada Qaar ayaa qaba in tiro badan oo Wasiirada mihiimka ahayd uu Beeshiisa u magacaabay sida wasiirka Maaliyada,halka ay ahayd in uu Beelaha kale siiyo maadama Kursigii ugu sareeyey uu ku fadhiyo Waare.

Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax (Kolombo)  ayaa sheegay in Wasaaradaha Qaar uu Wasiir iyo wasiirudowle isku beel ah u magacaabay , taas oo uu tilmaamey in ay Musuqmaasuq keeni karto, labada qof ee isku beesha ahna ay wasaarada siday rabaan u maamulan karaan , halkii ay ahayd in Masuuliyiintu ay beelo kala duwan ahaadaan, si aan loogu heshiin in la dhaco Hantida Dadweynaha sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdi Waare oo markii uu Doorashada galayey Balanqaadyadiisu ay ahaayeen kuwo aad loo jeclaystay, ayaa u muuqda mid garab marey gabi ahaanba Balmahaas islamarkaana ku hawlan yahy Isbahaysiga Maamul Gobaleedyada..halkii ay ahayd in uu Hirshabele  ka shaqeeyo danaheeda.

Xildhibaanada Hirshabeele oo maray tijaabada tuuriska Madaxwayne oo Xilka ka qaaday Cali Cosoblihii Waare ka Horeeyay ayay ka suuragashaa inay Waare mariyaaan Wadadii Cosoble

W/Q:Ali-yare Abdiwahab Azen

Ceelhuuronline