Wararka ka imaanaya deegaanka Tukoraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Puntland saaka weerar ku qaadeen ciidamada Maamulka Somaliland ee halkaas qabsaday dhawaan. Dagaalka oo koobnaa ayaa la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Waxaana maalmahaan deegaankaas laga dareemayey saasaan colaadeed kadib markii labada dhinac soo dhoobeen ciidamo farabadan.
Tukoraq ayaa ciidanka Puntland horey ugu aheyd barta ugu weyn ay kala socdaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka u kala gooshaya maamulada Somaliland iyo Puntland. sidoo kale waxay kala socon jireen dhaqdhaqaaqa ciidanka Somaliland oo haysta inta badan gobolka Sool.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda Puntland isku khilaafsan yihiin in la qaado dagaal, iyadoo ciidamada saaka weerarka qaaday ay ka gadoodeen dib u dhac dhowr jeer ku yimid weerar ay ciidanka Puntland qorsheeyeen in ay dib ugu qabsadaan deegaankaas.
Ciidamada Somaliland ayaa ku sugan meel 6 km u jirta deegaanka Tukoraq dhanka Garoowe, halka ciidanka Puntland ay kulaalayaan fariisanka ciidanka Somaliland. Dowladda itoobiya oo isku dayday inay dhexdhexaadiso labada maamul ayaa ku guuldareysatay. Waxaana maalmihii ugu dambeeyey la dareemayey in ay isku biro tumanayaan labada maamul.