Doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka Ahlu sunna ayaa la filayaa in ay beri ka dhacdo Magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug, inkasta oo ay suurtagal tahay in ay dib u dhacdo.
Barlamaankan ayaa tiro yar ka mid ah ka timid xildhibaanadii Galmudug, waxaana aqlabiyadda leh ururka Ahlu Sunna, ilaa saddex Musharax ayaa u taagan xilka gudoomiyaha Barlamaankan. waxaana ugu cad cad Ismaaciil Cabdulle Axmed oo ay wadato Ahlu Sunna, waxayna u badan tahay inuu ku guuleysto jagadaas.
Haddii ismaaciil ku guuleysto kursigan waxay wiiqi doontaa Awoodda kooxdii ku biirtay Ahlu Sunna ee uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, iyadoo la maarmi doono kaalintooda, waxaana howsha markaas kadib si talantaali ah u hogaamin doono gudoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisuwasaare Sheekh Shaakir.
Ururka Ahlu Sunna ayaa doonaya kaliya inuu helo Magaca Galmudug, si ay siyaasad ahaan ugu adeegtaan, taas oo ka badalan Galmudugtii ka wada dhaxeysay Bulshada degan Deeganada Galmudug.