Wasiirka Wasaaradda arrrimaha gudaha iyo Dawladaha hoose ee Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur, oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku qabtay Degmada Caabudwaaq kulan isugu jiray wacyigalin iyo Diyaar garowga dhismaha Goloaha Degaanka.
Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq oo daahfuray kulanka ayaa ka hadlay ujeedka laga leeyahay dhismaha golaha deegaanka, waxaana uu ku soo dhaweyay Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy)
Xubno ka kala socday xaafadaha kaladuwan ee Degmada, Aqoonyahano iyo golaha guurtida ayaa qayb ka ahaa kulanka looga tashanayay dhismaha golaha deegaanka waxaana su’aalo ku aadan habka dhismaha golaha deegaanka lagu waydiiyay masuuliyiinta ka soctay Wasaarada.
La tilayaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ee arimaha dawlada hoose Yasiin Cabdi Jaamac ayaa jawaabo ka bixiyay su’aalo ay qabeen ka qayb galayaasha kulanka.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dawlasdaha hoose Maxamed Xayir Nuur oo soo gunaanaday kulanka ayaa sheegay in dhismaha golaha deegaanka ay ka horeyso wacyi galinta iyo fahamsiita Bulshada.