Toogasho ka dhacday Muqdisho & Xog laga helayo

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in xalay lagu lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii lagu toogtay agagaarka Isgoyska KPP ee Degmada Hodan.

Rag bistoolado ku hubeysnaa oo aan la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxaa la sheegay in dhawr xabadood ay qaarka sare kaga dhufteen ninkaasi.

Goobjooge, ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay meel ku dhow Masaajidka Sheekh Cali Suufi, oo kaabiga ku haya Isgoyska KPP.

Goobjoogaha oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa tilmaamay in dembiile-yaasha ay falkaasi ka dib u carareen dhinaca xaafadda Bangaariyada.

Ciidamada Nabad Suggida oo ku baxay halka uu dilku ka dhacay, ayaan u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha, oo tiradooda laba nin lagu sheegay.

Ciidamada, ayaa mar dambe meydka ninkaasi u qaaday Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID, oo lagu baaro meydadka dadka aan la garanayn cidda dishay.

Marxuumka, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cali, mana jirto cid sheegatay tallaabada lagu dilay.

 

Warkaan wixii ku so Kordha Kala wararkeena kale Insha Allah

 

Ceelhuur.com