Taxanaha Qeybtii 1 aad “Maqaalkii Kabtan Jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asaguna kaalin ma hantiyo”

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Taxanaha Qeybtii 1 aad “Maqaalkii Kabtan Jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asaguna kaalin ma hantiyo”

Taxanaha Qeybtii 1-aad.

Sidii aan ku xusay qodobka 1-aad ee taxanaha aan soo bandhigi doono waxaan qeybtaan uga hadlayaa astaamaha, qeybaha iyo doorarka kooxda anigoo qormada qeybataan 1-aad xooggeeda diiradda ku saari doona Kabtanka iyo laba kaaliye ee sare.

Waxaan aheyn koox farsamo ah oo si afka baarkiisa ah oo aan laheyn istaraatijiyad iyo qorsheyaal cad cad oo la aqrisan karo isugu sheekeeya inaan wadaanta ugu wayn kala baxno ceelka ay wada cabayaan reeraha ballaaran ee isugu yimid ceelka laaska ee Ximan ee looga kala yimid meelo fog fog kaas oo qofna uusan dheel dheel iyo ismoodsiis faraha uga laabaneynin inuu wadaantiisa si mug iyo muuqaal leh ula boxo.

Kooxda waxaa calanka kor ugu sida oo hoggaan u ah Kabtankeenna xeer ciyaareedka ku liita ee “Macna Yare” waxaana dhinacyada ka jooga laba kaaliye.

Kaaliyaha 1-aad oo heysta kaarka xasaanadda (immunity ID card) una xilsaaran la macaamilka saamileyda saameynta sare leh (key stakeholders) ee sida tooska ah iyo Sida dadbanba saameynta ugu yeelan kara hiigsiga iyo howsha kooxda, waxa uuna maamulaa maaliyad dhaqaale oo kabtanka kooxda iyo saamileyda saameynta sare lihi mabdi’yan isla oggolaadeen laakiin u maamula cagsiga sidii iyo waxyaabihii loo qorsheeyey waxa uuna ku horumariyaa dano siyaasadeed oo qatar ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee Kabtanka kooxda.

Markii aan ogaaday in loogu sheekeeyo in wax walba ay ku socdaan meeshii loogu talagalay ayaan arkay inuu garaad ahaan ka hooseeyo mustawaha laga rabo inuu la ekaado waana meesha aan ka keenay magaca “Macna-yare” maadaama ay qancin karto Warbxin (report) aan tixraac lahayn.

Kaaliyaha 2-aad ayaa u xilsaaran howlgalinta kooxaha dacaayadaha warbaahinta midda bulshada (social media) iyo midda sida gaarka ah loo leeyahay (traditional media) waxa uuna maamulaa maaliyad xaddigeedu sareeyo oo si gaar ah uga baxda qasnadda Kabtan Macna-yare oo loogu talagalay in lagu howlgaliyo barnaamijyo xayeysiis ah oo loo sameynayo Kabtanka kooxda si loo muujiyo in Kabtan Macna-yare uu yahay nin heer sare ah oo ceelka ka waraabi kara oonleyda kaalinka tuban, dacaayadna loogu furo farsamayaqaanada kale ee tartanka kula jira, laakiin halkii kaaliyaha 2-aad laga rabay inuu dhaqaajiyo farsamo iyo howlo la mahdiyo oo sameyntooda la arko waxa uu ku mashquulsan yahay in dhaqaalahaasi ay qabtaan howlo qeyb ahaan qatar ku ah Kabtanka kooxda ee “Macna-yare” bedelkii laga rabey inay culeysyada siyaasadeed ee dul hogan ka fududeeyaan qodxaha xanuunka badanna ka qaadaan waddada siyaasadda ee safarkeedu adagyahay ee la aaminsanyahay in uusan Kabtanku xariifka ku aheyn sida looga dabaasho marka xaalku galo meel cariiri ah, wuxuuna xoogga saaray inuu lacagtaas u keydiyo ciyaaro kabtanka lagu lugoyn doono.

Si aan sawir fiican u bixiyo Kabtan “Macna-yare” iyo labadiisa kaaliye waa isku lunsanyihiin kooxda inteeda kalana waa ku dhiban yihiin.

Tusaale Kabtan “Macna-yare wuxuu si aan qarsooneyn uga sheekeeyaa markey saaxiibbo gaar ah wada joogaan dakanooyin la xariirta haraanti siyaasadeed ee Kabtan Macna-yare horey uga soo gaartay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee ceelka Ximan taas oo uu ka tirsanayo rag uu ka mid yahay Kaaliyaha 1-aad ee kooxda inuu ka mid ahaa oo asaguna rabo inuu uga aarsado marka loo caleema saaro hoggaamiyaha saamileyda Ximanood xilligaas oo uu ku taamayo inuu ku dhufto haraanti la mid ah tii uu qeybta ka ahaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taas bedelkeedana Kaaliyaha 1-aad qudhiisu kuma mashquulsanna in Kabtan “Macna-yar” uu gaaro meesha uu higsanaayo ee waxa uu ku mashquulsan yahay sidii uu asagu u noqon lahaa ninka macaashka ugu badan ka hela dalagga laga guri doono beerta nin walbaahi u heysto in inta kale asaga u abuuri doonto.

Kaaliyaha 2-aad caadiyan waa nin miskiin ah oo aan inta badan ku kalsooneyn inuu summad u gaar ah dhigan karo ama saami muuqda shirkadda ku darsan karo laakiin ku qanacsan in la adeejiyo oo uu dhaqaalaha loo dhiibay si qaldan u maamulo.

Dhanka siyaasadda waxaa si dhow isugu xiran labada Kaaliye oo si joogto ah isula odorosa isulana jaangooya meesha ay ku dhammaneyso ciyaarta, sida ay u dhammaaneyso iyo natiijadu sida ay noqoneyso hal-abuurkeedana waxaa leh Kaaliyaha 1-aad taas oo uu war moog ka yahay Kabtan “Macna-yare” inkastoo ay Warbixin (report) joogto ah oo dhinaca kale loo rogay siiyaan Kabtanka.

Dulucda qeybta 1-aad ee taxanaha waxaad ka fahamteen hoggaanka kooxda iyo in uusan lahayn higsi iyo halbeeg qoran, waxaad kaloo ka fahamteen hoggaanka kooxdu ay is gaadayaan oo ay isku maqan yihiin, waxaad kaloo ka fahamteen in uu ku bilowday kooxda xilligii nusqaanta iyo kala harka.

La socoda qeybta 2-aad oo aad u xiiso badan.

Mohamed Ahmed Hosh

F.G: Qormadan waa aragti u gaar ah Qoraha.