Galmudug oo amartay in la soo xiro ninkii u gafay Nabiga NNKH

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug waxaa Shir jaraa’id oo aay wada qabteen wasaaradaha amniga Iyo diinta awqaafta Galmudug  ay kaga hadleen nin gaf u geystay suubanaheena Maxamed NNKH kaas oo ku sugan magaalada Galkacyo

Ugu horeen Wasiirka diinta Iyo awqaafta Galmudug Shiikh Mursal Cabdiraxmaan Iyo Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa waxa ay sheegen in ninkaas uu u gafay Diinta islaamka islamarkaana laamaha amaanka la amrayo in ay gacanta ku soo dhigaan sharcigana la hor keeno

Dhanka kale waxa ay dowlada Federalka Iyo Maamulka Gobolledyada dariska la ah Galmudug ugu baaqeen in hadii uu isku dayo ninkaas in uu ka baxsado Galmudug ay gacanta ku dhigaan isaga Iyo dadka ku mooqifka ahba.

Dhacdadaan ayaa ka yaabisay ummadda Soomaaliyeed, waxaana ninka arintan sameeyey ku nool yahay koofurta Galkacyo, waxaana lagu magacaabaa Sheekh Cabdi wali Afyare, waxa uuna halkaas ku leeyahay xer iyo ciidan.

Wariye: Axmed Cabdisalaan Khaliif

Cadaado