Naciimo Gacal, Maryan Cariif iyo Yuusuf Xeyle oo maanta lagu doortay Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kursiga 16-aad waa kursiga Beesha Murusade/Foolculus/Daguuro, Waxaana ku guulaysatay Naciimo Maxamed Gacal oo heshay 45 cod, halka Zahra Xaaji Maxamed oo kursigan kula tartamaysay ay ka baxday hoolka doorashada kadib markii ay sheegtay in ay qaadacday doorashada, Ergada codeysay waa 46.

fb_img_1479554969870

Kursiga 17-aad waa kursiga Beesha Murusade/Cabdalla/Sabti
Waxaa ku guuleystay Maryan Cariif Qaasim oo heshay 45 cod, halka Shamso Cumar Axmed ay tanaasushay.20161119_123205-1
Kursiga 18-aad waa kursiga beesha Tumaal, Waxaana ku guuleystay Yuusuf Xayle Jimcaale oo helay 48 cod, halka Khadiijo Xaashi Gacal heshay 2 cod, Musharax Zahra Maxamed Cali Samatar ayaa ka maqan goobta doorashada, lama oga sababta maqnaanshaheeda.
Ergada codeysay waa 50.

20161119_133356-1

Dhanka kale waxaa dib u dhacay kursigii 19aad ee beesha Wacdaan.

Comments are closed.