Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay Safiirka Turkiga (Sawirro)

Wararka Maanta

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa xarunta safaaradda Turkiga ee Soomaaliya kula kulmay safiirka dowlada Turkiga oo ay wehliyaan kuxigeenkiisa, Saraakiil ka tirsan Milatariga Turkiga, wuxuuna kala hadlay sidii dowlada Turkiga ay uga qeyb qaadan laheed dhismaha iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa Safiirka dowlada turkiga ee Soomaaliya uga warbixiyay horumarada iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

General Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa Dowlada Turkiga uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan dhismaha iyo tababarada cidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in kulanka uu maanta la qaatay Safiirka dowlada turkiga uu ahaa mid lagu xoojinayo xariirka ka dhaxeeyo labada Talis ee Soomaaliya iyo Turkiga

Safiirka dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa dhankiisa sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga ay ka taageeri doonaan dhismaha iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Danjire Olgan Bekar waxa uu sidoo kale uu xusay in ay dib u dayactir ku sameynayaan dhawaan xeryaha ciidamada xoogga dalka si loogu tababaro ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya.