Taliska Booliska oo shaaciyey inay qabteen Xubno ka tirsan Shabaab & waxyaabaha qarxa

Wararka Maanta

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guute Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyey ay sameeyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya ay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Shabaab,sidoo kalen ay fashiliyeen qaraxyo.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ku sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha laga soo qabtay hub farabadan,sida Bambooyin, Miinooyin, suumanka qaraxyada iyo waxyaabo kale,isla markaana lagu aasay God ku yaalla deegaanka ceelasha Biyaha.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in howlgallo Ciidamada Dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye lagu soo qabtay 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab,halka sidoo kale 14 kale laga soo qabtay deegaanka Sabiib oo dhawaan ay ciidamada la wareegeen,sidoo kalena mid ka mid ah xubnaha Shababaab ee qaraxyada Gawaarida ku xira lagu qabtay Muqdisho.

Geba-gabadii waxa ay sheegtay inay howlgallada sii socon doonaan,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay ciidamada Ammaanka la Shaqeeyaan.