Isbaheysi cusub oo ay sameysteen Puntland, Hirshabelle & Koofur Galbeed

Wararka Maanta

Shir saddex geesood ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhexmaray magaalada Garoowe madaxda maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, iyagoo sameystay isbaheysi cusub.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey isbaheysi ula lahaa Xaaf iyo Axmed Madoobe. Mr. Deni ayaa ciyaaraya dowr isku xir maamul goboleedyada, isagoo doonaya inuu dib usoo celiyo golihii iskaashiga dowlad goboleedyada, madaama Dowladda Dhexe dhagaha ka fureysatay maamul goboleedyada.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka maamul goboleedyada Puntland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle oo  Garoowe shir iskaashi ku yeeshay, ayaa waxaa ka mid ah qodobada ugu muhiimsan:

1.Saddexdaa maamul waxay isku afgarteen, xoojinta Soomaaliya oo federaal ah.

2.Dhameystirka ka shaqeynta arrimaha federaaleynta Soomaaliya.

3.Saddexda Maamul waxay yeelanayaan iskaashi balaaran.

4.Saddexda maamul waxay iskaashi ka yeelanayaan dhanka amniga iyo isweydaarsiga xogaha amniga.

5.Puntland waxay diyaar u tahay taageerada maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

6.Shirka sadexda maamul waxay taageereen war-murtiyeedkii wasiirrada qorsheynta ee dhawaan Garoowe ka dhacay.

7.Shirku wuxuu taageerayaa war-murtiyeedka wasaaradaha maaliyadda ee maamullada ee ku saabsan qaadacadda sharciga cashuuraha.

Warmurtiyeedka oo dhameystiran