Maamulka Hir-Shabeelle oo digniin u diray Hay’adaha Samafalka

Wararka Maanta

Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim”Daqare” ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey Maamulka Hir-Shabeelle lagu xaqiijiyey in Hay’adaha qaarkood ay musuq maasuq ku sameeyeen deeqaha loogu talo galay dadka Beeraleyda ah.

Waxa uu sheegay in looga digayo Madaxda Hay’daha samafalka inay musuq maasuqaan deeqaha loogu talo galay Beeraleyda deegaanada Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo uu sheegay in boqolkiiba soddon oo kaliya ay gaarsiiyaan deeqaha loogu talogalay shacabka.

 

Hadalka Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim”Daqare” ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu kormeero ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burde.