Gudoomiyihii Maxkamadda Sare oo aqbalay in uu xilka wareejiyo

Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa aqbalay in uu xilka wareejiyo sidda Maanta ay shaaciyeen Ururka Qareenadda Soomaaliyeed.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa horay uga soo horjeestay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uusan aqbali doonin in uu xilka wareejiyo.

Gudoomiyaha cusub ayaa la dhaariyay, waxaana hadda socota Munaasabad uu xilka kula wareegaayo sidda ay sheegeen Ururka Qareenadda Soomaaliyeed.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa ka socday kulamo kala duwan oo ay waddeen Garsoorayaasha Soomaaliyeed,islamarkaana lagu qancinaayay in uu xilka Wareejiyo.

Gudoomiyihii ka horreeyay Ibraahim Iidle Suleymaan ee Ilka Xanaf ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay Muran badan, waxaana ugu dambeyntii lagu qanciyay in uu xilka wareejiyo.