Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo goor dhow furmay (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha soomaaliya xasan shiikh maxamuud ayaa goordhow sirasmiya ufuray shirmadaxeedka urur goboleedka iGAD ee lagu qabanayo magaalada muqdisho

shirkani ayaa waxaa kaqeyb galaya wadamo badan oo ay kamid yihiin dalalka itoobiya,kinya,Djabuuti

suudaan,south suudaan.

shirkani ayaa hada sitoosa u ga socda xarunta shirku ka qabsoomayo waxaana socda qudbadaha madaxda

Waxaa goor dhow ka furmay Hotelka Peace ee ku dhow Garoonka diyaaradaha ka furmay Shir madaxeedka 28aad ee Urur Goboleedka IGAD, kaasoo noqonaya kii u horeeyay oo lagu qabto Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay ururkan sanadkii 1986.

Shir madaxeedka ayaa waxaa isla wada guddoominaya Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah shirkan u furmay, isagoo Madaxda ka socota IGAD ku soo dhoweeyay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan uu yahay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, in markii u horeysay lagu qabto Muqdisho

Ajandaha looga hadlayo shirka ayaa ah xaalada Koofurta Sudan iyo doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya, iyadoo shirkan isla maanta la soo gaba gabeynayo.

Madaxda shirka soo xaadirtay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

 

Shirka ayaa waxaa ka baaqday Madaxweynayaasha Sudan, Koofurta Sudan iyo Madaxweynaha Jabuuti oo diyaaradii siday ay cilad ku timid, iyadoo hawada ku soo jirtay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo muhiim ah, kuwaasoo xirnaa afartii maalmood ee la soo dhaafay.

shirka-igadshirka-igad

 

Comments are closed.