Alshabab oo weerar Aad u culus ku qaaday Saldhigga ciidamada Puntland Af-Urur

Wararka Maanta

Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa saaka aroortii hore weerar aad u culus ku qaaday xerada Af-Urur ee ciidamada Puntland ku leeyihiin buuraaha Galgala.

Weerarkaan ayaa socda muddo saacado ah, waxaana labada soo gaartay dhimasho iyo dhaawac farabadan, qiyaastii 80 Askari ayaa ka dhintay labada dhinaca, walina waxaa socda xabado goos goos ah.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa 70km u jirta magaalada Boosaaso xarunta gobolka bari, waana dhul buuro ah, faafaahinada dagaalka ayaa iska soo daba dhacay, waxaana go’an isgaarsiinta deegaanka wax ka dhaceen.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa saxaafadda u sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay Alshabaab kusoo qaadeen, halka ay Alshabaab si horudhac u sheegteen in ay dileen 61 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan.