Somalilaan oo sheegtay in ay kaxuntahay weerarada alshabaab iyo daacish ay kageystaan deegaanada putlaan

Wararka Maanta
 Wasiirka warfaafinta maamulka Soomaaliland Cismaan Cabdullaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa sheegay in Soomaaliland ay aad uga xuntahay weerarkii Al-Shabaab ay dhawaan ku qaadeen fariisinka ciidamada Puntland ee deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sheegay in falkaas uu yahay wax laga xumaado kaas oo lagu laayay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dhibaatada ay geestaan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ay markasta ka soo horjeedan islamarkaana ay cambaareynayaan.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Hawada Soomaaliland ay iyada u madax banaan tahay in ay maamusho islamarkaana cid alaala cidii ku soo dhiirada wixii ay la kulanto aysan masuul ka aheyn.