Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Furmay

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta daah furay shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shir weynaha sedaxaad ee Dhallinyarada ee Ra’iiusl Wasaaruhu daah-furay oo ay kasoo qayb galeen boqollaal dhallinyaro ah, soconayana Deseembar 01-04, 2019, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana halkudhiggiisu yahay “Milkiilayaasha Dalku ma ogola musuq maasuq iyo xagjirnimo”, waxaana looga hadlayaa La dagaallanka musuq maasuqa, La dagaallanka xagjirnimada iyo Ka qeyb galka dhallinyarada ee arrimaha Siyaasadda.

Shirkaan oo ah mid sanadle ah ayaa looga hadlaa caqabadaha iyo Horumarka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqtigaan wajahaya daruufo kala gedisan, kuwaasi oo isagu jira dhinaca Nolosha, Waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka, iyaddoo shirkaan diiradda lagu saarayo siddii xal loogu heli lahaa.

Xalay ayay Ahayd markii ay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye  Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo casho sharaf ah, taasoo lagu soo dhoweeynayay dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynahan oo cadeyn u ah kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan arrimaha siyaasadda, maadaama ay yihin laf-dhabarka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka oo halkaasi Kalmado dardaaran iyo bogaadin u jeedin doona dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynaha sanadkan.