Dib udhac kuyimid doorashada gudoonka baarlamaanka soomaaliya

Wararka Maanta

Maanta oo ay taariiqda ku beegan tahay 23 November ayaa qorshaha uu ahaa in la doorto gudoonka baarlamaanka dowlada Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.

Doorashada gudoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa u muuqata mib dib u dhac uu ku yimid, maadaama ay muuqato in xiligan dhici karin doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga doorashada dadban ee sanadkaan ayaa horey u shaaciyay in maanta ay dhaceyso doorashada gudoonka baarlamaanka, halka 30-ka bishaan qorshaha uu ahaa in la doorto madaxweynaha dalka.

Waxaa muuqata in wali dib u dhac uu ku imaan karo waqtiga doorashada, maadaama wali aysan diyaar aheyn wakiilada Somaliland ee xubnaha labada aqal.

Doorashada sanadkaan ayaa marar badan waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana iminka muuqata in dib u dhac kale uu ku imaan karo doorashada.

Waxaa wali dhiman xubnaha aqalka hoose ee HirShabeele iyo Galmudug, halka wali aan la dooran xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee deeganaada waqooyiga Soomaaliya.

Comments are closed.