Shirkad Private ah oo lagu wareejiyay Xerada Jen. Gordon

Wararka Maanta

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Cali Caanood  ayaa u fasaxday shirkad gaar loo leeyahay inay la wareegto oo lagu magacaabo Red Four Security Group Somalia (RSG) howlaha lagu qabto dugsiga tababarka Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa bishii April 2018  joojiyay howshii tababarka xeradaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shirkaddan gaarka loo leeyahay ee qaabilsan arrimaha Amniga ay Madax sare ka yihiin Saraakiil Mareykan calooshood u shaqeystayaal ah oo horay uga tirsanaa Ciidamada Mareykanka.

Ciidamadii uu horay u tababaray Imaaraadka Carabta ee ku jira Xerada Jen. Gordon ayaa wixii hadda ka dambeeya waxaa howshooda la wareegaya shirkaddan Amni ee lagu magacaabo RSG.